Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed saacado qaatay oo ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha DHexe.
Dagaalkaasi ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed, waxaana uu socday ku dhawaad shan saacadood ,sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Shan ruux oo maleeshiyaadkii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, waxaana uu ka dhacay meel ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkaasi oo la xiriira aanooyin qabiil ayaa waxay ka taagnaayeen maalmahaan deegaano kale oo ku yaala bariga gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa wali taagan xiisada dagaalka saaka ka dhalatay, waxaana laga baqayaa in markale dagaalo ay ka dhacaan deegaanka ku yaala duleedka degmada Cadale.
Maamulka HirShabeele ayaa laga codsaday inay wax ka qabtaan xiisadaha ka taagan deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

