Sawirro: Ethiopia oo deeqdii ugu horeysay gaarsiisay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa maamulka Somaliland gaarsiisay Deeq raashiin kadib markii deegaano dhowr ah oo ka tirsan Somaliland ay saameen ba’an ku yeesheen Abaarada.

Deeqda la gaarsiiyay maamulka Somaliland ayaa ku rarnaa 16 gaari nooca xamuulka ah, waxaana deeqdaasi loogu tallo galay in la gaarsiiyo dadka saboolka ah oo ay saameynta ba’an ku yeesheen abaaraha.

Dowlada Ethiopia ayaa deeqdaasi soo marisay maamulka DDSI oo iyagu ku wareejiyay wakiilo Madaxtooyada Somaliland u xilsaarnaa guddoonka deeqda.

Deeqdaani ayaa ka kooban Bur, Bariis, Saliid, Caano, Cabitaan iyo Raashiin kale oo dhowr nooc ka kooban, sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa ka jira abaaro ba’an oo sababtay geerida boqolaal ruux iyo Xoolo dhowr ah oo aan helin gargaar degdeg ah.