Dagaal qaraaran oo xiligani ka socda gobolka Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal aad u qaraarana ayaa mar kale dib uga qarxay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose, kaa oo u dhexeeya laba Maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo, ayaa isku adeegsanaaya Hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu kusii faafaayo deegaano hor leh.

Deegaanada uu dagaalka ku faafay ayaa waxaa kamid ah Buulo Jaan, Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo kala gaaray gurmad, waxaana laga cabsi qabaa in Dagaalka uu gaaro ilaa caawa.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha.

Magaalada Marka waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ay aheed mid xogaa xasiloon, iyadoo ay iminka u muuqaneyso mid lamid noqotay Deegaanada kale uu dagaalka hareereeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com