29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maxkamad go’aamisay kiiska Khaalid Sheikh Mohamed – Maskaxda weeraradii 9/11

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa Jimcihii diiday in ay aqbasho heshiisyo dacwadeed oo u saamaxayay Khaalid Sheikh Mohammed, oo loo haysto inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weeraradii September 11, 2001, iyo laba kale oo la eedaysan, in ay dembigooda qirtaan, taasoo beddelkeeda looga badbaadin lahaa ciqaabta dilka ah.

Go’aankan oo ay gaareen labo ka mid ah saddexdii garsoore ee fadhiday maxkamadda Racfaanka Maraykanka ee Washingtn (U.S. Court of Appeals for the District of Columbia Circuit), ayaa meesha ka saaray isku dayo lagu doonayay in lagu soo gabagabeeyo maxkamadayn militari oo muddo labaatan sano ah ku jirtay ismari-waa sharciyeed, taasoo loo haystay saddexda maxbuus ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba.

Heshiisyadan qirashada dembiga ah ayaa la soo bandhigay sannadkii hore, waxaana aqbalay sarkaalkii mas’uulka ka ahaa maxkamadda dembiyada dagaalka ee Wasaaradda Difaaca (Pentagon) ee Guantanamo. Hase yeeshee, waxaa bishii Agoosto ee isla sannadkaas buriyay Wasiirkii Difaaca ee xilligaas, Lloyd Austin, ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ay si weyn u dhaliileen heshiisyadaas.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore militari ayaa go’aamiyay in Austin uusan lahayn awood uu ku buriyo heshiisyadaas, go’aankaas oo bishii December ay taageertay Maxkamadda Dib-u-eegista Guddiyada Militariga ee Maraykanka. Kadibna, garsoorihii wuxuu si degdeg ah u qorsheeyay dhagaysiyo loo qaadi lahaa qirashada dembiga.

Maxkamadda Racfaanka ee D.C iyadoo ka jawaabaysa codsi ka yimid maamulkii Madaxweynihii hore ee Dimoqraadiga, Joe Biden, ayaa ogolaatay in la hakiyo dhagaysiyadaas inta ay ka dhagaysanayso dacwadda sharciga ah ee ay dowladdu ka gudbisay, taasoo uu sidoo kale sii waday maamulka madaxweynaha Jamhuuriga ee Donald Trump.

Garsoorayaasha maxkamadda Racfaanka, Patricia Millett iyo Neomi Rao, oo qorayay aragtida aqlabiyadda, ayaa go’aankoodii Jimcaha ku sheegay in Austin “uu si shaki la’aan ah u lahaa awood sharciyeed oo uu kaga baxo heshiisyadaas.”

“Markii uu si sax ah ula wareegay awooddii isku dubaridka, Xoghayuhu wuxuu go’aamiyay in ‘qoysaska [dhibbanayaasha] iyo shacabka Maraykanku ay mudan yihiin fursad ay ku arkaan maxkamadaha guddiyada militariga oo shaqadooda qabsanaya,'” ayay garsoorayaashu qoreen. “Xoghayuhu wuxuu ku dhaqmay awoodiisa sharciga ah, annaguna waxaan diidaynaa inaan su’aal gelino go’aankiisa.”

Millett waxaa magacawday Madaxweynihii hore ee Dimoqraadiga, Barack Obama, halka Rao ay uu magacaabay madaxweyne Trump. Garsooraha kale ee Maxkamadda Racfaanka, Robert Wilkins, oo isna uu magacaabay Obama, ayaa ka soo horjeestay go’aankan oo uu ku tilmaamay “mid lala yaabo,” isagoo sheegay in garsoorayaasha kale ay ahayd inay ixtiraamaan go’aannada maxkamadaha militariga ee fasiraya sharciyada militariga.

Qareen u doodaya Khaalid iyo mid ka mid ah eedaysanayaasha kale, Mustafa Ahmed Adam al Hawsawi, ayaan ka jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay ka hadlaan arrintan, sidoo kalena Wasaaradda Difaaca kama aysan jawaabin.

Matthew Engle, oo ah qareenka eedaysanaha saddexaad, Walid Muhammad Salih Mubarak bin ‘Atash, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu racfaan kale ka qaato go’aankan, oo ay ku jirto inuu u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

Khaalid Sheikh Mohammed waa maxbuuska ugu caansan ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay, kaasoo uu sannadkii 2002 aasaasay Madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka, George W. Bush, si loogu hayo dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyooyinka ajnabiga ah ka dib weeraradii September 11, 2001.

Khaalid waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay qorshihii lagu afduubtay diyaaradaha rakaabka ee ganacsiga, laguna dhuftay daarihii Xarunta Ganacsiga Adduunka (World Trade Center) ee magaalada New York iyo xarunta Wasaaradda Difaaca (Pentagon). Weeraradaas 9/11 waxaa ku dhintay ku dhawaad 3,000 oo qof.

 

- Advertisement -

Read more

Local News