Madaxa IMF oo musuq-maasuq culus lagu helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Fance ayaa qortay warar sheegaya in Maxkamad lasoo taagi doono Christine Lagarde oo ah madaxa Sanduukha Lacagta Adduunka ee loo soo gaabiyo IMF.

Warbaahinta ayaa qortay in Christine Lagarde looga yeeray maxkamad ku taalla Farance waxa uuna ujeedku yahay in wax laga weydiiyo doorkii ay ku lahayd lacag Dowladdu magdhaw u bixisey oo la musuq-maasuqay.

Telefishanka iTele ayaa qoray in Christine Lagarde lala xiriirinaayo lacago la lunsaday sanadkii 2007, xiligaas oo ay ahayd Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska.

Yves Repiquet oo ah Qareenka Haweeneyda lagu magacaabo Christine Lagarde oo wareysi gaar ah siinaayay Tv-ga iTele ayaa sheegay in dacwada lagu soo oogay Christine Lagarde ay tahay mid uusan isaga fahmi karin balse uu ka fekaraayo in macmiilkiisa Christine Lagarde ay rafcaan ka qaadato in la dhegaysto dacwaddan.

Dacwadaani ayaa sababi karta in Christine Lagarde oo ah madaxa Sanduukha Lacagta Adduunka ee loo soo gaabiyo IMF, waxaana suuragal ah in Dacwadaasi ay faraha lasii gasho madax-badan oo lasoo shaqeeyay Christine.

Dhanka kale, Christine ayaa beenisay inay ku lug leedahay eedeymaha ay usoo jeedineyso maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com