Xog: Wafdi ka socdo wasaaradda gaashaandhiga Sacuudiga oo Xamar u imanaya qoroshada askar

(Caasimada Online. Muqdisho) Waxaa magaalada Muqdisho maalmaha soo socda ku soo fool leh wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga ee boqortooyada dalka Sacuudi Carabia.

Wafdiga ayaa waxaa ka soo hormaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Riyadh, Amb. Dahir Maxamuud Geelle. Wafdiga ka socda Sacuudiga ayaa imaatinkooda waxaa uu la xiriiraa qorashada iyo dhammeynta askar Soomaaliyeed oo loo qaadi doono in aay ka dagaalamaan dalka Yemen. Askartan ayaa intooda badan waxaa laga soo qoray xeryaha barakacayaasha iyo degmooyinka gobolada Bay iyo Bakool. Tiro ahaan ayaa waxa lagu qiyaasay in aay dhan yihiin 1500 oo dhallinyaro oo da’doodu u dhexeyso 16 ilaa 25 jir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo ballan qaaday in la siin doono lacag uu ku galo tartanka madaxweynimada sanadka danba. Waxaa nasiib darro ah in maanta aay Soomaaliya mareyso heer la iibgeeyo carruurta Soomaaliyeed halkii looga fadhiyay in dowladda aay u sameyso shaqooyin iyo wax barasho.

Waddamada reer galbeedka gaar ahaan ururka midowga Yurub ayaa arrintan si xoog badan uga soo horjeeda.

Safiirka Soomaaliya ee Sakampla_sadaqcuudiga, oo dhawaantan ku guuleystay in Sacuudiga loo qaado ilaa 15,000 oo dumar Soomaali ah oo da’dooda u dhexeyso 16 ilaa 21 sano jir waa sida aay codsadeen Dowladda Sacuudiga, mashruucan oo qandaraas lagu siiyay laba wiil oo uu Adeer u yahay Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu kala magacaabo Cabdirahman Cusmaan Kampala iyo Saadaq Cabdikarin oo labadaba ka tirsan xafiiska Madaxtooyada ee VIlla Soomaaliya.

Ummadda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay halkii ugu hooseysay ummad aay gaarto ayaa garan la’a in aay ka dhiidhiyaan falalka waxuushnimo ee ka socda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com