Amisom oo shaacisay kuwa qasaya Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani danbe uu dagaal xoogan ka socday qeybo kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Korneyl Cismaan Dubad oo ah Taliyaha Ciidamada Dalka Jabuuti ee jooga Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in qaska iyo Colaadaha ka taagan magaalada Beledweyne ay gacan ku leeyihiin qurba joogta Gobola Hiiraan.

Dubad waxa uu sheegay in Colaadaha ka taagan Beledweyne uusan aheyn mid ka imaanaya dhanka Carruurta iyo Haweenka balse ay gacan xoogan ka geysanayaan Qurba joogta, waxa uuna sheegay in Odayaasha iyo Waxgaradkuna ay durbaanka u garaacayaan Colaada taagan.

Dubad waxa uu sidoo kale qurba joogta ka soo kala jeeda beelaha dagaallamaya ugu baaqay in marka hore ay joojiyaan dhaqaalaha ay ku bixinayaan dagaalka socda, waxa uuna cadeeyay in dagaalka gabi ahaantiisa uu joogsan doono goorta ay iyaga hakiyaan fangareenta labada maleeshiyo ee uu dagaalka u dhexeeyo.

”Anagu waxaan Somalia u nimid inaan daweyno colaadihii ka dhexeeyay Soomaalida, marba haddii qurba joogtu ay lasoo kala safteen labada maleeshiyo ee dagaalameysa ma filaayo in shacabka ay heli karaan nabad”

”Dhiiga daadanaaya xitaa waxaa qeyb ka noqday Ciidamada Jabuuti ka jooga Beledweyne oo waad aragtaan in qaboojinta colaada noolaga laayay ciidamo”

Korneyl Cismaan Dubad oo ah Taliyaha Ciidamada Dalka Jabuuti ee jooga Gobolka Hiiraan, ayaa Siyaasiyiinta, Odayaasha, Ganacsatada iyo Waxgaradka sidoo kale ku dhaliilay daawashada Colaada taagan iyo dhiiga qubanaaya.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in loo nuglaado waan-waanta ay wadaan wafdiga DFS ka jooga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com