Sawirro: Heshiis 6 qodob oo la gaaray, B/weyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka socta dhanka DFS, ayaa waxaa lasoo warinayaa in mas’uuliyiintaasi ay natiijo hordhac ah kasoo hoyeen ujeedka socdaalkooda ee Beledweyne.

Mas’uuliyiinta ka soctay dhanka Dowlada oo markii hore kulamo gaar gaar ah u qabtay Beelaha ku dagaalamay Gobolka Hiiraan, ayaa ugu danbeyntii meel isugu geeyay Odayaasha labada dhan, waxa ayna kulamadaasi kasoo saaren ilaa 6 qodob oo lagu heshiisiiyay labada beel ee dhawaan dagaalku ku dhaxmaray xaafadda Holwadaag ee magaalada Beledweyne.

C/risaaq Cumar oo ah Wasiirka Aminga DFS islamarkaana hogaaminaayay wafdigaasi ayaa sheegay in labada beel ee uu dagaalka u dhexeeyay looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan hishiiska 6-da qodob ka kooban waxa uuna wasiirku sheegay in marqaati ay ka noqon doonaan in heshiiskaasi aan lagu qasbin cid gaar ah.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU HESHIIYAY

1- Dhaqan-gelinta iyo adkeynta xabad-joojintii ay kala saxiixdeen labada beelood 15-Dec-2015. Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara colaad dambe – Af iyo Adinba.

2- In dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen ay ahaadaan kuwa ka caagan wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah. Mas’uuliyadda Ammaanka looga dambeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

3- Inay ballan-qaadayaan cuqaasha iyo mas’uuliyiinta labada beeloodba inay ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida magaalada, wixii labada beelood dhexdooda ahna loo saarayo gudi soo baara kaddibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odoyaasha dhaqanka labada beelood iyo odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan.

4- Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha reer Hiiraan waa in loo maraa wada sharci ah. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax ka qabashada wixii tabasho maamul ah ee ay qabaan beelaha reer Hiiraan.

5- Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay dhaqan-gelinta heshiiskaan tillaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyada dhaqangelinta heshiiskaan mas’uul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo is-kaashanaya.

6- Heshiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la saxiixo.

Dhanka kale, Heshiiskaan ayaa waxaa Beesha Jajeele u saxiixay, Xaaji Maxamed Goosaar Guure, halka Beesha Gaaljecel uu u saxiixay, Nabadoon Cumar C/llaahi Cali.
HESH1

HESH2

HESH3

HESH4

HESH5

HESH6

HESH7

HESH8

HESH9

HESH10
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com