Xog ku saabsan soo xulista wasiirada Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay dhismaha xukuumadda cusub ee maamulka Jubba.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka ayaa inoo xaqiijiyay in dhanka maamulka ay kasoo dhamaatay dadaalkii lagu xulaayay Golaha wasiirada cusub ee bedeli doona wasiiradii hore.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filaayo in lagu dhawaaqo Wasiirada cusub, oo ay ka dhexmuuqan doonaan shaqsiyaad aan horay uga mid aheyn maamulka.

Wasiirada la magacaabi doono ayaa u badnaan doona Shaqsiyaad uu Axmed Madoobe kala imaaday dalka dibadiisa, halka tirada ugu yarna ay noqon doonaan kuwo laga soo dhex xulay wasiirada hadda sii shaqeynaaya.

Ku dhawaaqida wasiirada cusub ayaa loo badinayaa inay dhacdo maalinta isniinta ah ee fooda nagu soo heyso waa haddii aysan wax isbedelin.

Geesta kale, ku dhawaaqida wasiirada ayaa ku xayirneyd madaxweyne Axmed Madoobe oo iminka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com