Axmed Madoobe oo shhegay arrin xaqiiq ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan mudadii uu socdaalka ku maraayay min Gaalkacyo ilaa Muqdisho.

Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in maalmihii ay socdaalka ku tageen magaalada Gaalkacyo ay xaliyeen arrimo badan oo halkaasi ka taagnaa waxa uuna sheegay in dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo uu ahaa mid dhiigbadan ku daatay balse ugu danbeyntii ay xal ka gaaren.

Waxa uu sheegay in joogitaankooda Gaalkacyo uu wakhti badan ku qaatay balse ujeedka ay wakhtigaasi u lumiyeen uu ahaa in mar qura ay Soomaalidu xalisato umuuraheeda gaarka ah.

Madoobe waxa uu tilmaamay in socdaalka Gaalkacyo kadib isaga iyo madaxda Dowlada oo ay ku jiraan Galmudug, Puntland iyo Koonfur galbeed ay kuwada balansanaayen inay u socdaalan magaalada Beledweyne oo ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhexeysay beelo walaalo ah oo halkaasi kuwada dagaalamay, balse waxa uu sheegay in mashquul jiray awgeed ay Beledweyne u gaari waayen, markii danbe ay isla garteen in halkaasi loo diro wafdi iyaga matala si xal looga dhex abuuro beelaha wada diriray.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay haddii aan laga ganbaneynin xaqiiqda jirta ay Soomaalidu iyaga un is xalinkaraan, islamarkaana aysan arrintooda xalinkarin Beesha caalamka.

”Waxaan qabaa in Soomaalidu ay mudan yihiin in khilaafyada ka dhextaagan ay iyaga un xalinkaraan haddii aan laga ganbaneynin xaqiiqda jirta. waayo waxaan goob joog u ahaa khilaafyo badan oo ay xalin weysay beesha caalamka balse aan markii danbe anaga dhexdeenu xalinay taasi waxa ay na tuseysaa in xalka khilaafyadeenu uu munaasab ku yahay inaan anagu sameysano”

Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu ka hadlay Shirkii wada-tashiga Qaran ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in natiijada kasoo baxday shirkaasi ay taageersan yihiin islamarkaana ay soo dhaweynayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mudadii uu shirkaasi socday ay Beesha caalamku aheyd mid un goobjoog ka aheyd, balse kuwa is xalinaayay ay ahaayen Soomaalida.

”Madaxdu waxa ay is weydiiyen halka munaasab ku ah in lagu qabto shirka soo socda ee looga doodaayo doorashada 2016-ka, waxaa leysku raacay in lagu qabto magaalada Kismaayo. reer Kismaayo waxaa laga rabaa sida ay Soomaali oo idil ay isugu keeni lahaayen”

Axmed Madoobe ayaa maamulka iyo shacabka Kismaayo ugu baaqay inay dusha saartaan xilka la saaray, waxa uuna ku baaqay in laamaha amaanka ay iska adkeeyaan amaanka iyo soo dhaweynta.

Dhanka kale, waxa uu rajo ka muujiyay in mas’uuliyada dusha loo saaray uu kasoo dhalaali doono, waxa uuna ku taliyay in mar waliba leysku tanaasulo dalka iyo dadkana loo shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com