Maxkamada G/Banaadir oo soo saartay liiska masuuliyiin loo heysto eedeymo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddo 30 maalmood ah u qabatay inay maxkamadda ku horyimaadaan 7 masuul oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo badankood ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Maxkamadda ayaa qoraalka ay ku soo saartay baafintaan waxay ku cadeysay in raggaan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ku soo eedeeyey, lacag dhaqid, musuq maasuq, dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti iyo ku takri-fal hanti dadweyne oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Maxkamadda ayaa ragaan ku wargelisay in 30 cisho ay ku hor yimaadaan, si ay isaga difaacaan eedeymaha loo heysto, hadii ay maxkamadda hor imaa waayaan 7 qof waxaa loo sheegay in ayaga oo maqan dacwadooda la qaadi doono.

Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah.

Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed.

Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah.

Maxamed Xuseen Nageeye, waa eedeysanaha 4-aad wuxuu ahaa sarkaalkii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda u qaabilsanaa qaadashada fiisa kordhinta.

Cabdixakiin Cabdullahi Cabdi waa eedeysanaha 5-aad, wuxuu la-taliye u ahaa agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda, intii u dhaxeysa 15-kii November 2021 ilaa 20-kii April 2023.

Eedeysanaha 6-aad wuxuu ka tirsanaa xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka, waxaa lagu magacaabaa Cabdalla Maxamed Axmed, wuxuuna ahaa agaasimihii qeybta IT-ga ee xafiiskaas, waana maqane sida ku xusan warqadda xeer ilaalinta.

Maxamed Ibraahim Axmed waa eedeysanaha 7-aad, wuxuuna ka tirsanaa waaxda fiiso kordhinta ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda – Sida ku xusan warqadda uu ku soo baxay liiskaan dhamaan eedeysanayaashaan waa maqanayaal.

Qoraalka xalay ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano kale oo ku saabsan musuq maasuq ka dhacay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, waxaana baaritaanka kadib lagu balan qaaday in eedeyntooda loo gudbi doono maxkamadda.