Maxkamadda ciidamada oo shaacisay cidda loo haysto dilkii Sheekh Cali Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay .

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in guddigaas ay waqti badan geliyeen sidii ay u ogaan lahaayeen qaabka uu dhacay dilka marxuumkaas iyo cidda ka dambeyso, waxayna caddeymaha dilka ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Warka kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib ay xeer ilaalinta ogaatay in dilkaas uu ka dambeeyey Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo.

Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen qodobada hoos ku xusan.

1) In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2) Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3) In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Eedeysanaha ayaa waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha oo ay dacwad kusoo oogtay CID, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan.