Maxkamadda Ciidamada oo DIL ku fulineysa xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab

Muqidisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta toogashada ah ayaa lagu wadaa in 60 cisho ee soo socdo ay soo gabagabeyso xubnaha Al-Shabaab ee toogashada ku xukumay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay saraakiisha maxkamadda inuu amray in la dadajiyo dilka xubnaha Al-Shabaab ee horey xukunnada toogashada loogu riday, balse aan lagu filin xilligii Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online illaa 26 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana ah dil sugayaal ayaa maalmaha soo socdo la geyn doono tiirka, si loo qisaaso.

Qorshaha dowladda federaalka ah ayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Guud ahaan dadka dilka ku xukuman ayaa  gaaraya illaa 119 qof, 90 ka mid ah ayaa rayid, halka 29-ka soo harayna oo 4 toogashadooda la fuliyay ay yihiin xubnoShabaab ah.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.

Si kastaba, xukunada toogashada ah ayaa waxaa inta kasoo horjeesta dalal reer galbeedka iyo hay’adda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo aad u cambaareeya fulinta dilalkaasi.