Ciidamada DF oo gudaha u galay Masaajid Caliguduud

Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta si buuxda ula wareegeen deegaanka Masaajid Caliguud oo labadii todobaad ee ugu dambeysay ay isku hayeen dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Gorgor ee Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaankaasi, kadib markii ay xalay ka baxeen Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay markii hore madaafiic la dhaceen deegaanka, gaar ahaan aagga ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, taas oo keentay inay ka cararaan duqeymaha iyo sidoo kale dagaalka foolka foolka ee uga yimid ciidamada.

Saraakiil ka tirsan milatariga oo ku sugan Masaajid Caliguduud ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ballaaran, waxayna shaaciyeen in Shabaab ay qaraxyo ku aaseen halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ka warbixiso howlgalka ay dib ugula wareegtay Masaajid Caliguduud, waxaana saacadaha socdo shir jaraa’id qaban doono taliyaha ciidanka dhulka, Generaal Maxame Tahliil Biixi oo jooga jiida hore ee dagaalka.

Masaajid Caliguud ayaa muddo sanado ah waxaa ka talinayey xoogaga Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka heli jiray deegaankaasi, balse maanta laga fara maroojiyey.

Ciidamada howlgalka wada ayaa ku sii jeeda illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga weyn ee kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah kacdoonka ay hor-boodeyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneyso dadka deegaanka, kaas oo meelo badan looga qabsaday Al-Shabaab.