Askari dilay taliye ka tirsan NISA iyo walaashiis oo isna toogasho lagu fuliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Xasan (Dhagadheere) oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, kaas oo 17-kii bishaan Caabudwaaq ku dilay taliye ku xigeenkii ciidanka NISA ee Galgaduud, Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayadoo ay goobjoog ahaayeen ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Dhagadheere ayaa waxaa maalin kahor xukun dil toogasho ah ku ridday maxkamadda ciidamada, kadib markii ay saraakiil ka tirsan maxkamadda gaareen degmada Caabudwaaq, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana dilkaas lagu fuliyey isla maanta oo ah Isniin, kuna beegan tahay 25-ka bishaan July.

Dhinaca kale ehellada taliye ku xigeenkii nabad sugidda ee gobolka Galgaduud & walaashiis Xaawo Cumar Geelle ayaa soo dhoweeyey xukunka qisaasta ahaa ee maanta lagu fuliyay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo lagu helay inuu isagu ka dambeeyey dilkaasi.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale dilal ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay geysteen.

Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah magaalooyinka hoostaga Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.