Abkow, Jeego iyo Dhakhtar Fanax oo toogasho lagu fuliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo labo kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Saddexda nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Dr. Fanax.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, waxaana horay xukun dil ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn lagu fuliyay.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu helay in uu 23 kii March ee sanadkan 2023-ka ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay gudaha Xerada Xalane, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo isna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda.

Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.

Ninka saddexaad ee la dilay waxaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), kaas oo ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Dhakhtar Fanax oo lagu helay inuu geystay dilal iyo qaraxyo khasaare geystay ayaa laga soo xiray magaalada Beledweynem waxaana ugu dambey la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo saaka ku fulisay dil toogasho ah.

Muddooyinkii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, waxaana maalin kahor tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.