Daawo: Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta muddo kororsiga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo haatan lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markale tallaabo u qaabay muddo kororsigan, isaga oo guddiga gaarka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee ay horay u magacaawday Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada, si ay talabixintooda u soo gudbiyaan, loogana doodo, kadibna la dhaqan-geliyo.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sabab keeni karo.

Sidoo kale xildhibaan hore Cabdiweli Maxamed Qanyare oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa ka falceliyay doodda taagan, wuxuuna difaacay qorshaha muddo kororsiga ee dowladda.

Cabdiweli ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu sameyn karo ku darsi inta u dhexeysa lix bilood, illaa saddex sano, uuna u ogolaanaayo Dastuurka.

“Baarlamaanka wax waa ku dari karaa, waqtigana waa kordhin karaa, wuxuuna kordhi karaa waqti ka yar kan hadda loogu talagalay, tusaale saddex waa ku dari karaan laba wa ku dari karaan hal waa ku dari karaan 6 bilood waa ku dari karaan,” ayuu yiri Cabdiweli.

Waxa kale oo uu inyaasi ku sii daray “Marka Baarlamaankaan way ku dari karaan awoodna waa u leeyihiin,”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay keentay baahi, balse looga gudbi karo in la qabto doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu soo dooranayaan madaxdooda iyo dadka ku metali lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Ku darsi haddii lagu gaarayo qof iyo cod oo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ay iyagu soo dooran karaan dadka metali lahaa hal sano laba sano saddex sanno xittaa waa lagu dari karaa, sababtoo ah waxaan rabnaa dowladnimo taam ah” ayuu wareyiga ku yiri C/weli.