Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday XAASKA horjoogaha ISIS ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah Xaaska hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo C/qaadir Muumin.

Haweeneydan oo isticmaaleysay magacyo kala duwan, sida Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa ayaa taariikhdu marka ay aheyd 21/03/2022 laga soo xeray gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayada oo loo heysto kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday in Fartuun ay Daacish u qaabilsaneyd arrimaha lacagaha.

Sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay in ay marti gelin jirtay xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Mudisho ama kuwa ku cusub.

Haweeneydan ayaa sidoo kale lagu helay inay xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee caalamlka Bilal-Alsudani kaas oo uu 27-kii bishan January howlgal uu ku dilay Mareykanka.

“Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,”‘ ayey tiri Maxkamadda.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu intaasi kusii dartay in ay la guur guureysay, isla-markaana ay ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto, balse ay rasmi u daganeyd Gaalkacyo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun, waxayna ugu dambeyn Maxkamadu fadhigeedii gabagabada ahaa soo dhamaysatay 17-kii bishaan January 2023.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhowaaqday Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.