Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo digniin culus u kala dirtay Ciidamada ka howlgala Gobolka..

Beledweyne (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa digniin loogu diray dhammaan ciidamada ka howlgala Gobolka Hiiraan ee dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed, ayaa sheegay in digniintaani ay tahay mid kama danbeyn ah isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan Askarigii dhac u geysta qof shacab ah.

C/qaadir Maxamed, waxa uu sheegay in Askarigii lagu helaa dhac uu u geysto qof shacab ah uu dusha saaran doono ciqaabta uu la kulmo.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in ruux kasta oo lagu helo dambiga in uu geystay fal dhac ah in Maxkamadda la horgeyn doono, si talaabo sharci ah looga qaado.

”Waxaan u digeynaa ciidamada dhaca u geysta dadka shacabka ah waxaan halkaani ka xaqiijinayaa in ciqaab uu muteysan doono Askarigii fal dhac ah u geysto qof shacab ah”

Sidoo kale, Xeer ilaaliye C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in uusan jirin qof sharciga ka weyn, ruux kastana uu la kulmi doono ciqaab u dhiganta dhibaatada uu geystay.

Haddalka Xeer ilaaliye C/qaadir Maxamed ayaa kusoo beegmaaya xili Gobolka Hiiraan ay ka dhacaan dilal iyo boob loo geysto dad shacab ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET