Afey oo daboolka ka qaaday halis aan horay u muuqan oo soo foodsaartay kumanaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM ee arrimaha qaxootiga Soomaalida Maxamed Cabadi Afey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shacab masaakiin ah ilaa 30sano lagu hayo xeryaha qaxootiga Kenya.

Afey ayaa sheegay inay wanaagsanaan laheyd in loo deyriyo kumanaanka kun ee nolosha xun ay ku dhex heysato xeryaha waxa uuna tilmaamay in qaxootiga ay yihiin kuwo ku dhagan rajo been ah.

Afey waxa uu sheegay inuu ogyahay xaalada inkabadan 1 milyan oo qaxooti Soomaali ah kuwaa oo ku kala nool dhowr dal isla markaana aan heysan wax nolol ah, iyadoo ay intaa usii dheertahay in lagu dhibo sharciyada.

Waxa uu intaa ku daray inuu socdaal ku tagay dalalka Yemen, Ehopia, Jabuuti, Kenya Iyo Uganda oo ay xero ku yaala ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo uu xusay inay ku noolyihiin daruufo adag oo dhinaca nolosha, islamarkaana tilmaamay in xero dad shacab ah suurtagal eysan ahayn in lagu hayo mudo 30-sano iyo ka badan.

Waxa uu cadeeyay in qaxootiga noocaasi ah ay sabab u noqon karaan inay ku dhacaan cuduro dhimirka ah maadaama laga dilay rajada ay qabeen dhowrsano.

Waxa uu QM iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh arrimaha qaxootiga ugu baaqay in qaxootiga dhowrka sano is dulsaaran kala dulqaadan isla markaana la geeyo goobo kale oo ka nolol fiican kuwa hadda lagu hayo.

Dhinaca kale, Afey ayaa ka digay in kumanaanka qoys ee ku jira xeryaha qaxootiga uu ku dhaco xanuunada dhimirka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET