Diidamada Ahlu Sunna ee wada-hadalada Galmudug maxay u dhimi kartaa sumcadda Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka biyo diiday wada hadalkii ay dowladda Soomaaliya ka dhex waday Ahlu Sunna iyo Galmudug kadib markii uu miiska soo saaray qodobo xasaasi ah oo aan macquul aheyn in la wada fuliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dib u heshiisiintaas, waxaana hor kaceyso wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxayna madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal badan ku bixiyey sidii loo heli lahaa Galmudug oo mideysan, waxayna dhawr jeer kualmo la qaateen Madaxda Ahlu Sunna oo uu ugu horeeyo Sheekh Maxamed Shaakir, balse ugu dambeyntii waxaa kasoo baxday natiijo fashil ah.

Haddaba waxay dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya tilmaameyn in arrintaas iyo diidmada ka timaaday Ahlu Sunna ay saameyn weyn ku yeelan doonto sumcadda Madaxweyne Farmaajo maadaamada laga filayey inuu arrintaan guul weyn ka gaari doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii la doortay rajo weyn laga qabay inuu ku guuleysan doono isu keenidda Ahlu Sunna iyo Galmudug balse midaas ma aysan dhicin waxaana si cad uga hor yimid Ahlu Sunna oo meesha la timaaday shuruudo adag.

Tallaabada noocaan camal ah ee lagu fashilmo ayaa keeni karto inay shacabka ka niyad jabaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagama maarmaan ah inuu mar kale isku dayo sidii uu xal uga keeni lahaa Ahlu Sunna Wal-Jameeca.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET