Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan.
11-ka qof ee la horgeeyay Maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haystay Al-Shabaabnimo.
Xukunnada ay ridday Maxkamadda Ciidamada Sida ee Soomaaliya ayaa u dhexeeya 1 sanno iyo 10 sanno oo xabsi ciidan ah, dhanka kale Maxkamadda ayaa sii deysay laba kamid ah eedeysanayaasha, kadib markii ay sheegtay in lagu waayey wax dambi ah.
Halkan hoose ka akhriso xukunka:-
1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.
2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.
3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.
4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.
5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.
4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.
6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.
7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)
8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)
9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale
Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.
Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.