27.2 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Maxkamadda CQS oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Wanlaweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan dhacdooyinka argagaxa lahaa ee ka dhacay aagga degmada Wanlaweyn oo todobaadkan lagu gubay Marxuum Isaaq Daa’uud oo oday da’ah, kadibna ay ka dhasheen dilal kale oo salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhacay halkaasi.

Saraakiil ka socota xafiiska xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa tegay Wanlaweyn, waxaana hoggaaminaya xeer-ilaaliye Axmed Buulle oo soo saaray amaro culus..

Axmed Buulle oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in halkaas ay u tageen baarista odaygii la gubay iyo in cadaaladda la horkeeno eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaasi.

“Waxaa soo gaarnay xafiiska xeer-ilaalinta haddaa nahay ee ciidamada qalabka sida degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana u nimid dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday halkan taas oo ugub ku ah geyiga Soomaalida” ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan baaritaan ku sameyn doonaa dhacdadii lagu gubay oday waayeel ah oo 60 jir ah, isla markaana dhimirka ka xanuunsanaa”.

Waxaa kale oo uu amar ku bixiyay in iyana lasoo qabto maleeshiyaadkii ka dambeeyay dadkii lagu laayay dagaal maalin kahor ka dhacay duleedka Wanlaweyn, kaas oo sidoo kale lagu gubay guryo ay daganaayeen tuulo ku taalla halkaasi.

“Waxaan ku amrayaa ciidamada in ay nolol iyo geeri kusoo qabtaan kuwii laayay dadkii shacabka ahaa ee shalay, sidoo kalena gubay ceelkii Yaaqbariweyne iyo tuuladiiba” ayuu mar kale yiri.

“Sidoo kale waxaan baaristeenna shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigi doonaa mas’uuliyiin xasaanad leh, kuwaas oo colaadaha halkan ka dhacay uga qayb qaatay af iyo maalba”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay gacanta lagu soo dhigay saddex kamid ah raggii ka dambeeyay falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud, waxaana weli la baadi goobayaa dadkii kale ku lug lahaa falkaasi, oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News