Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan culus kasoo saartay lacagta Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka ee uu horey u sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia in lagu wareejinayo xukuumada Abu Dhabi, kadib raali-gelin uu siiyey.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir, isla-markaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto baaris lagu hayo lacagtan, isla-markaana aan la saari karin bangiga dhexe, illaa inta laga gaarayo go’aanka u dambeeya.

“Sidaas daraadeed lacagtaas lagama saari karo qasanadda dowladda illaa laga soo dhameynayayo baaritaanka iyo go’aan gaariska kiiska lacagtaas ee horyaalla xafiiska xeer ilaaliyo iyo hay’adaha baarista,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.

Maxakamadda ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaare Rooble uu amba-baxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi.

Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.