Hoggaamiyaha TPLF oo shaaciyey arrin lama filaan oo la xiriirta dagaalka Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Michael oo wareysi siiyay BBC-da ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in ay iyaga iyo dowladda Itoobiya uu u socdo wada hadal dadban, oo waxtar leh.

Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan, sidoo kalana wuxuu sheegay inay rabaan in colaadda ka jirta gobolka Tigray lagu dhameeyo xal nabadeed.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.

Arrimahan oo dhami waxay kusoo aadayaan xilli dalku uu si guud uga socdo diyaar garawga wadatashi heer qaran ah oo uu horey ugu dhawaaqay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gobolka Tigray, inkastoo dagaalku uu markii dambe ku fiday degaannada deriska la ah Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, walina uu kasii socdo dhinaca Canfarta oo ay ku dagaallamayaan TPLF iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Canfarta.