Maxkamadda G/Banaadir oo laga dalbaday inay soo xirto ganacsato lagu eedeeyey in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaran ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbisay dacwad ka dhan ah 3 qof oo ganacsato ah oo lagu eedeeyey inay si sharci darro ah u dhoofiyaan Dhuxusha.

Maxkamadda ayaa laga codsaday inay ganacsataan usoo jarto waaran lagu soo xirayo si deg deg ah maadaama lagu eedeeyey inay dhoofiyaan dhuxusha oo ah fal dambiyeed lagu ciqaabi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobada 51,56, 57 ee xeerka ilaalinta deegaanka iyo duur joogta Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in dhoofinta dhuxasha Soomaaliyeed lagu mamnuucay xeer kasoo baxay Qaramada Midoobay ee nambarkiisu ahaa S/RES/2036/2012.

Seddexda Ganacsade ee la amray in lasoo xiro ayaa kala ah:

1) Yuusuf Jaamac oo dagan Magaalada Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 100.000 Loor oo dhuxul ah

2) Axmed Xaaji Cali oo dagan Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 20.000 Loor oo dhuxul ah.

3) Liibaan Xuseen Kaarshe oo dagan Muqdisho kaasoo lagu eedeeyey inuu dhoofiyey 20.000 Loor oo dhuxul ah.

Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay xeer ilaalinta