Shan arrin oo ka dhalaneysa tallaabadii uu ROOBLE ka qaaday gudiga khilaafaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay qaaday tallaabo halmar badashay jawiga doorashada Soomaaliya. Wasiirka koowaad ayaa shaqada ka eryey 7 kamid ah guddiga xainta khilaafaadka oo lagu eedeeyey inay si musuq-maasuq ah u maareeyeen natiijada Kursiga HOP#67.

Xubnaha guddigaan ayaa maalmihii dambe dhex mushaaxayey gudaha Villa Somalia iyo xarunta Nabadsugidda Qaranka. Sida naloo xaqiijiyey waxaa Ra’isulwasaaraha la gaarsiiyey fadeexadaha uu dhex jiifo guddigaan , wuxuuna go’aansaday inuu eryo jilaayaasha ugu waaweyn mashruucaan wax is dhaafsiga ah.

Xubnaha la eryey waxaa ku jira guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, haddaba waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa 5 arrimood oo laga faa’idi doono tallaabada uu qaaday Ra’isulwasaare Rooble.

1- Kalsoonida Doorashada

Hab-dhaqanka guddiyada doorashooyinka waxay si weyn u dhaawaceyn kalsoonidii lagu qabay guud ahaan doorashada. Dad badan oo Kuraas laga boobay ayaa iska tagay kadib markii ay akhriyeen hab-dhaqanka guddiyadaan oo mar walba xukunkooda u leexinaya cidda awoodda heysata.

Rooble wuxuu ahaa qofka ay ku dhaceysay eedda ugu badan, inuu tallaabadaan qaaday waxay soo celin doontaa kalsoonidii lagu qabay inay Dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanci karo.

 2- Joogsiga gacan togaalaysiga guddiyada

Guddiyada labada heer doorasho waxaa hareeey fadeexado la xiriira gacan togaalaysi iyo gudbinta dano shakhsi ah. Qeylo dhaanta mucaaradka iyo dhammaan daneenayaasha doorashada ayaa cirka isku shareertay, waxay guddiyada aaminsanayeen inaysan dhici karin in lagu qaado tallaabo isbadal ama edbin ah.

Go’aanka uu Rooble ku eryey 7 xubnood oo kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxay soo dadajin doontaa in xubnaha guddiyadu waajibkooda iyo jeebkooda kala fogeeyaan.

3- Xalka boobka Kuraasta

Doorashada Golaha Shacabka waxay ku bilaabatay jawi boob ah, Ra’isulwasaaraha dhowr jeer ayuu ku baaqay in la dhowro hufnaanta doorashada iyo in lagu dhaqmo hab-raaca qoran.

Waxaa muuqatay in taas aysan dhag jalaq u siineyn guddiyada iyo madaxda maamul Goboleedyada. Sida uu Ra’isulwasaare Rooble uga falceliyey boobkii lagu sameeyey Kursiga HOP#67 waxay sababi doontaa inay joogsadaan dhammaan boobka lagu hayo Kuraasta Golaha Shacabka maadaama ay muuqato in xafiiska Ra’isulwaaaraha go’aan toos ah ku gaaray inuu waardiyo ka noqdo boobka Kuraasta.

Waxaa hadda kadib adkaan doonta in Kursi lasoo boobay uu si fudud kaga soo gudbo guddiyada doorashooyinka.

4- Aqoonsiga Doorashada

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray walaac ku saabsan in la aqoonsan waayo doorashadaan boobka ah. Wakiilada caalamiga ah ayaa walaac arrintaas ku saabsan gaarsiiyey madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha lagu wargeliyey inay adkaan doonto in aqoonsi caalami ah loo helo doorasho noocaan ah haddii aan deg deg loo hagaajin mashruuca doorashada.

Tallaabada uu qaaday Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid dhinaca hufnaanta loo qaaday, waxayna doorashada ka dhigi kartaa mid aqoonsi hesha.

5- Ka qeybgal loo dhan yahay

Dhawaan mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay inay qeyb ka noqdaan doorashadaan boobka ah, waxay sheegeyn inaysan mashruucaan ka qeybgeli doonin haddii aanan la sixin hanaanka ay wax ku socdaan.

Dhammaan dhinacyada doorashada rabitaanka uga jiro ayaa su’aal ka keenay ka qeybgalka, Ra’isulwasaaraha ayaa Farta lagu wada fiiqay, iyadoo laga dalbanayo inuu xal keeno.

Rooble wuxuu muujiyey inuu qalinkiisa ku xalinayo tabashooyinka doorashada. Go’aankii uu gaaray wuxuu dhabaha u xaarayaa in doorashada noqoto mid laga wada qeybgalo oo Berrina lagu wada qanci karo natiijada kasoo baxday.

Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa durba soo dhaweeyey tallaabadad uu qaaday Ra’isulwasaare Rooble, waxaana kaloo la eegayaa sida loo wajihi doono go’aankii ay guddigaas ku fasaxeen kursigii Yaasiin Farey ee HOP#67.