Ciidamo horleh oo maanta la geeyay xarumaha garsoorka Gobolka Banaadir + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta ayaa maanta ciidamo badan oo si gaar ah u qalabeysan geysay xarumaha Garsoorka gobolka Banaadir, si loogu xoojiyo fulinta iyo daadajinta cadaalada iyo garsoorka.

Ciidanka oo loogu magac daray Gama’diid ayaa waxaa loogu tala-galay inay ilaaliyaan xarumaha Garsoorka iyo cadaalada ee gobolka Banaadir iyo sugida amaanka madaxda.

Taliyaha howl gelinta ciidanka Asluubta, G/sare Suleymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid ayaa ciidamada oo lagu xoojinayo kuwii hore ee ku sugnaa xarumaha Garsoorka ku wareejiyay xarumahaas.

“Waxaa tihiin ciidankii cadaalada iyo garsoorka u ahaa aas-aaska oo la idinku fulinaya, haddii cadaalad darro iyo buuq la idinku sheegto waxaa ka dhalan kara waa garaneysaan ciqaab ayaa ka dhalaneysa,” ayuu yiri Taliye Dulmi-diid oo la dar-daarmay ciidamada.

“Magac qurux badan ayaa la idin siiyey Gama’diid, hore waa u joogteen haddana waa idinku xoojineyna. Ciidamada qalabka sida waxaa u tihiin aas-aaska cadaalada iyo sugnaanta saxda ah.”

Ciidamadan ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamo hore u joogay xarumaha Garsoorka gobolka Banaadir, sida uu qorshuhu yahayna waxay sare u qaadeysa amaanka xarumahaas iyo madaxda ka howl-gala.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii