Xog: Guul-darradii uu Qoor Qoor ku dhuftay ROOBLE ee dhalisay go’aankii uu qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Ceyrinta xubnahan ayaa soo saaray inuu jiro loolan u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo xafiiska ra’isul wasaaraha, oo ku aadan maamulka doorashada dalka.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey in ceyrinta xubnahay aaney shaqo ku laheyn codsi ka yimid mucaarad ama siyaasad ay ku milmeen iyo arrimo kale balse ay la xiriirto saameyn la’aanta Rooble ee guddiga dhexdiisa ah.

Talaabad uu Rooble qaaday ayaa jawaab u aheyd kadib markii 15-kii bishan ay guddigu gudbiyeen taliyaha NISA Yaasiin Fareey oo uu isugu diidanaa, sida aan xogta ku helnay.

Guul-darrada ka qabsatay inuu joojiyo xubinnimada Yaasiin Faarey ayaa timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qqor, oo keensaday Yaasiin Farey isaga oo ku qancinaya Farmaajo, uu si loo ansixiyo adeegsaday maamul goboleedyada kale, cadaadisna ku saaray in la meel-mariyo.

Kadib ayaa xubnaha Galmudug ugu jira guddiga iyo xubnihii maamul goboleedyada kale ugu jiray guddiga waxay ogolaadaan Yaasiin, mana dhicin in go’aanka ka biyo-diideen xubnihii uu guddiga ku lahaa ra’siul wasaare Maxamed Rooble.

Maamul goboleedyada kale wax jaceyl ah uma hayn Yaasiin Farey, hase yeeshee waxay dareensanaayeen in haddii lasoo celiyo ay hormuud u noqon doonto in xildhibaano badan oo ay soo saari doonaan la marsiin doono waddadaas, taasi oo macnaheedu yahay inay ku heshiiyeen in nin walba uu boobo kursigii uu awoodo, iskuna garab siiyaan.

Sidaas darteed, Ra’isul wasaarae Rooble ayaa markii uu amarkiisa socon waayey waxaa uu guddiga ka saaray xubnihii uu awalba isaga keenay, kuwaas oo ka dhex shaqeyn waayey guddiga xallinta khilaafaadka, kana iibin waayey codsiga Rooble ee ahaa in la celiyo kursiga Yaasiin Fareey, waxaa uuna magacaabay xubno uu isleeyahay waxay ka daacadsan yihiin kuwii hore.

Kursiga Faareey oo muran ka dhex dhaliyey beeshiisa ayaa hadda waxaa uu soo saaray khilaaf u dhaxeeya Rooble iyo Qoor Qoor oo ku xiran Farmaajo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii