Wareysi: Kursiga Rooble ku qasbay inuu 7 xubnood ka eryo guddiga khilaafaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud ee shalay shaqada laga eryey isaga iyo lix xubnood oo kale ayaa shaaciyey arrinta ay isku qabteen Ra’iisul Wasaare Rooble ee sababtay inuu guddiga ka saaro.

Xuseen oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in tan iyo markii la doortay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, ay isku dheganaayeen iyaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, arrintaas ayuu sheegay in ugu dambeyn shalay ay keentay in shaqada laga eryo xubno uu ku jiro.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qatar u arkaayey qaabka ay u xaliyeen kiiskii dacwada ahaa ee ka dhashay in Yaasiin Farey loo sharciyeeyo kursiga Hop067.

Hase yeeshee ka guddi ahaan waxa uu sheegay in Yaasiin Farey ay u arkayeen nin wadani ah oo u qalma, xaqna u leh inuu u tartamo kursigaas, kuna guuleysto, taas oo ugu dambeyn keentay inay ogolaadaan natiijada doorashadii uu ku soo baxay Agaasimaha NISA.

“Mudadii aan gacanta ku heynay kiiskii Yaasiin Farey waan iska laa-laadnay Ra’iisul wasaaraha, isagu waxuu u arkaayey kiis khatar ah oo dalka iyo dadkaba dhibaato ku ah, anaguna waxaan u arkeynay wadani tartamay oo dacwad laga soo gudbiyey, sidii sharcigu ahaa ayaan u xalinay dacwadaas,” ayuu yiri Xuseen Maxamed Maxamuud.

Waxa uu sheegay in cidda kaliya ee wax ka qaban kartay cadaadiska ay kala kulmayeen Ra’iisul Wasaare Rooble ay aheyd golaha wadatashiga qaranka, taasina aysan u suurta gelin, maadaana ay ku dadaalayeen in aysan hormuud u noqon is qab-qabsi ka dhasha howsha socota ee doorashada.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee guddiga xalinta khlaafaadka waxa uu sheegay inay ogaayeen in Rooble uu qaadan doono go’aan noocaan ah, maadaama sida uu sheegay uu ugu hanjabay inuu guddiga kala dirayo hadii aysan yeelin sida uu rabo.

“Horaa naloogu hanjabay, waxaan nala yiri hadii aadnaa saas iyo saas yeelin waa la idin kala dirayaa, marka waan ogeyn in tani imaan doonto, markii aan go’aanka ka gaareynay kiiska kursiga Yaasiin Farey, marka arrintaan waa nabar aad ogtahay naxdin kuguma reebo, wax dhib ah oo ay nagu heysana ma jirto, markii laga reebo saameynta ay ku yeelan doonto doorashada,” ayuu yiri.

Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadii guddiga looga saaray aysan meelna sharciga ka waafaqsaneyn, tan lagu sameeyana berri lagu sameyn karo guddiyada kale ee doorashada, sida uu sheegay.

Hadii laga saarayo guddiga waxa uu sheegay in golaha wadatashiga qaranka ay aheyd inay wada qaataan go’aankaas, balse Rooble uu ku fududaaday oo uu ula dhaqmay guddigii madaxa-banaanaa, sidii xubno ka mid ah xukuumadiisa, sida uu hadalka u dhigay Xuseen Maxamed Maxamuud.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii