Muqdisho: Mas’uuliyiin loo haystay musuq-maasuq oo maanta la fasaxay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaaddo ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwad musuq-maasuqa oo loo heystay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Maxkamadda ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq-maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Ninkan ayey sheegtay maxkamadda in lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu tala-galay qasnadda dowladda.

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamadda gobolka ay ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

Saddexdan mas’uul oo dhammaantood dalka isaga baxay kadib eedeyntaan musuq ee loo jeediyay ayaa la fasaxay , sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda, maadaama lagu waayay dhammaan eedeymihii cuslaa ee loo soo jeediyay.

Xukunnada ay shaacisay maxkamadda ayaa ahaa kuwo la sugayay, maadaama muddo dhowr bilood ah ay soo socotay maxkamadeynta mas’uuliyiinta maanta la fasaxay.