War kasoo kordhay dacwadda Saabey, Koofi iyo Cabdul

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa mudeysay dacwad musuq-maasuq oo ka dhan ah saraakiil dowladeed, kuwaasi oo gaaraya illaa 12 xubnood.

Xubnahaan ayaa waxaa ku jira Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) oo labaduba soo maray hoggaanka sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, soona noqday Agaasimihii hay’addaasi.

Sidoo kale waxaa kamid ah saraakiisha loo haysto musuqa ee maxkamadda ay muddeysay dacwadooda Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) oo isna maqane ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay inay mudeysay gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee loo haysto xubnahaan, taasi oo bilaabaneysa maalinta Arbacada ah ee Taariikhdu tahay 28/02/2024 saacadduna markay tahay 9:00 Subaxnimo.

Maxkamadda ayaa waxay fartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qareennada difaaca eedaysanayaasha inay kasoo qeyb-galaan dhageysiga dacwadda isla taariikhda iyo saacadda sare ku xusan, sidoo kalena ay la yimaadan dhammaan cadeymaha ay rabaan in ay u isticmaalaan kiiskaan.

Hoos ka aqriso magacyada iyo xilalka ay hayeen xubnahaan loo haysto musuqa ee la mudeeyay dhageysiga dacwadooda.

1. Cusmaan Xasan Cosoble – Ku-xigeenkii hore Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

2. Muxudiin Xasan Jurus – Agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS.

3. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle) – Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

4. Maxamed Ibraahim Axmed – Sarkaal ka tirsan Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

5. Abuukar Xasan Aadan – Madaxii hore ee xaqiijinta dukumentiyada codsiga fiiso kordhinta ee Waaxda Ajaanibta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

6. Cabdullaahi Daahir Wehliye – Khasnajiga qeybta dakhliga Ajaanibta laanta Bangiga Dhexe ee Garoonka Aadan Cadde.

7. Cabdalla Maxamed Axmed – Agaasimihii waaxda IT-da ee Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

8. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) – Agaasimihii Guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

9. Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) – Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

10. Jacfar Maxamed Axmed – Agaasimihii Guud ee Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS.

11. Cabdikaafi Xasan Maxamed – Agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

12. Maxamed Xuseen Nageeye – Sarkaalkii hore ee masuulka ka ahaa qaadashada fiiso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.