Maxkamadda magaalada Hargeysa oo amar kasoo saartay xarigga 13 Wariye

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalintii afaraad ku xiran illaa 13 Wariye oo ay dhowaan xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Somaliland, kadib dhacdadii xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wariyeyaashan oo ka howl-gala warbaahinta qaybaheeda kala duwan, sida Telefishinno iyo Idaacado ay ka mid ah BBC-da ayaa saaka kasoo muuqday maxkamadda Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amar kasoo saartay xarigga Wariyeyaashaasi, isla-markaana ay amartay xabsiga lagu sii heyn doono illaa 5 cisho oo dheeraad ah.

Booliska ayaa doonaya in 5-taasi maalmood uu kusoo dhammeystiro caddeymahooda, si maxkamaddu ay go’aan rasmi ah uga soo saarto xariga Suxufiyiintaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay saraakiisha Booliska in dhaqtar la geeyo Wariye Maxamed Ilig oo ka mid ah Wariyeyaasha xiran, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday.

Sidoo kale Wariyayaashan ayaa waxaa la filayaa in shantaasi maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada, si loo dhammeystiro dacwadda loo heesto.

Arrintan ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay cabmbaareyn xoogan oo ka timid Ururka Suxufiyiinta  iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira maamulkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday xariga lagula kaco Wariyeyaasha, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo kasoo horjeesata xukuumadda maamulkaasi.