25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxkamadda Hargeysa oo maanta xukun adag ku riday qof aflagaadeeyay diinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xarig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland.

Sida Caasimada Online u xaqiijiyey Garsooraha Maxkmada G/Maroodi-jeex, waxa laba sanadood iyo lix bilood oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadu Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi.

Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo waqtigaasina iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News