Wararkii ugu dambeeyay ku dhowaaqista xukunka SAYID-CALI oo maanta dhaceysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka gaarto kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi ayaa maanta ku dhawaaqeysa go’aankeeda rasmiga ah, kaas oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa soo dhammaatay dooddii kiiskan oo u dhexeysay xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha oo maalmihii u dambeeyay la dhageysanayay, waxaana maanta lagu dhawaaqayaa xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud,

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday Maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Horay Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa ninkan ugu soo xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku heshay falka halista ah ee lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.