Villa Somalia oo ka hadashay maqnaashaha Deni iyo safarka Firdhiye ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faahfaahin ka bixiyey qodabadii maanta looga hadlay shirka golaha wadatashiga qaranka, isagoo beeniyey in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu ka qeyb galayo shirka.

Afhayeenka ayaa sheegay in shirkii maanta furmay uu soo gaaray caawa maqribkii, isla markaana ay madaxdu gorfeeyeen arrimo muhiim ah, oo ku saabsan xaaladda dalka iyo ajendaha miiska saran.

Si gaar ah, Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in labo qodob ay ugu muhiimsanaayeen wixii maanta ay ka wadahadleen madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo kala ah:

1 – Dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah oo madaxdu ay isla gorfeeyeen sidii loo dardar gelin lahaa iyo caqabadaha jira.

2 – Iyo dhameystirka dastuurka dalka ooh adda meel dhexe maraya, maadaama lasoo ansixiyey ilaa afar cutub oo muhiim ah.

Xudeyfi ayaa sheegay in muddo labo maalmood ah la qorsheeyey in shirkaani uu ka socdo Muqdisho, isla markaana berri lasoo gabagabey doono, iyadoo laga soo saari doono bayaan ay ku cadyihiin qodobadii laga wadahadlay iyo heshiiska laga gaaray.

Waxaa la weydiiyey waxa madaxda uga qorsheysan ka maqnaashaha Puntland ee shirka, balse wuxuu ku jawaabay in Puntland ay u direen casuumaad rasmi ah, isla markaana aysan garaneyn sababta ay uga baaqatay shirkaan masiiriga ah oo ay jeclaan lahaayeen in madaxda Soomaaliyeed, xitaa hadii ay wax kala tabanayaan ay ka wadahadlaan caqabadaha jira.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uusan Muqdisho u imaan ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga qaranka, balse uu safarkiisu ku saabsanaa arrimo kale oo u gaar ah.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey KNN