Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta guda gashay kiiska nin ajnnabi ah oo 20-kii bishii hore ee July lagu dilay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare oo ku eedeysan dilka ninka ajnabiga ah oo u dhashay dalka Kenya, kaas oo ahaa Injineer ka shaqeynayay dhismo xilliga lagu dilayay gudaha magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah ee saaxibka la ahaa marxuumka la dilay ayaa ka hor hadlay maxkamadda ciidamada, iyaga oo aad ugu mahadceliyay bahda garsoorka.
“Waxaa na gashay cabsi, mana fileyn in maalintaan oo kale ay ku jirto howlahga garsoorka ee ciidanka waxaan dalbaneynaa cadaalad, waxayna gogol xaar u tahay xaq u helidda saaxibkeenii hadalka jilicsanaa” ayay yiraahdeen qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah.
Intaas kadib ayaa waxaa la guda galay dhageysiga dhinacyada doodda, gaar ahaan baareyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha.
Ugu horreyn eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare ayaa ka hadlaymaxkamadda, wuxuuna qirtay in uu xabad ka ridday goobta uu ka dhacay dilka.
“Xabad waa riday, laakiin kuma dhaaran karo, mana ka dhaaran karo inaan qof ku dilay” ayuu yiri Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare.
Baare ka tirsan Booliska Soomaaliya oo kiiskan gacanta ku hayay ayaa isna sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in Xasan dilka kadib uu baxsaday.
“Eedeysane Xasan Cabdiraxmaan Bistooladda ayuu kor u qaatay xabaduu riday, sida aan kasoo qornay marqaatiyaasha xabadda waxay ku dhacday ninka Kenyaatiga ahaa, daqiiqado kadibna waa baxay Xasan” ayuu yiri baare ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Axmed Cabdalla oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada ayaa isna shaaca ka qaaday in dilkan uu yahay bareer, wuxuuna soo bandhigay caddeymo.
“Dilkaas wuxuu ahaa dil kas dhaaf ah Injineerka la dilay wuxuu kamid ahaa dadka shaqo abuurka u yimid dalka Soomaaliya, sifo sharci ah ayuuna dalka kusoo galay” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida inay qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana ay xukun adag ku riddo eedeysanaha, isaga oo intaasi ku daray in dilka uu geystay uu sawir khaldan ka bixinayo horumarka dalkeenna Soomaaliya.
“Dilkan oo uu eedeysanahan u geystay Injineerka wuxuu sawir khaldan ka bixinayaa horumarka dalka ka socda sidaas aawgeed mudane guddoomiye waxaan maxkamadda ka codsanayaa in eedeysanaha ay ku qaado qodobadii aan kusoo eedeynay” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn waxaa maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay in go’aanka xukunka ay dib kasoo saari doonaan.