Maxuu madaxweyne Xasan kala hadlay Al-Burhaan?

New York (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan doceed kula yeeshay hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-Burhaan.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Suudaan dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.”

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey dowladda federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, “Iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa dalka Suudaan in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada New York uga qeyb galay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, wuxuuna halkas ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda kale duwan ee wadamada caalamka, isagoo kala hadlay xaaladaha amni iyo bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya.