Meel ka dhac loo gaystay Nabiga NNKH oo horseeday iscasilaad Wasiir

Islamabad (Caasimadda Online) – Wasiirka caddaaladda ee Pakistan Zahid Hamid ayaa is casilay kadib is-mariwaagii ka socday dalka oo u dhaxeeyay Booliska iyo mudaaharaadayaasha ka tirsan kooxo diineed mayal adag kuwaas oo ka xanaaqay hadal kasoo yeeray Wasiirka oo ay sheegeen inuu aflagaado ku ahaa Nabigeena Suuban NNKH.

Wararka ka imaanayo Magaalada Islamabad iyo Magaalooyinka kale ee dalka Pakistan ayaa sheegayo inay istaageen mudaahraadyadii ka socday dalkaas kadib markii uu is casilay Wasiirkii la dalbanayey inuu is casilo.

Debad baxayaashaa ayaa xiray jidadka soo galay Caasimadda Pakistan wuxuuna banaan baxaan socday muddo 3 asbuuc ah, waxaana muuqato inay hadda guusha heleen debadbaxayaasha kadib markii loo fuliyey dabadkooda, waxaana ay dalbanayeen in xilka laga qaado wasiirka oo ay ku eedeeyeen inuu diinta Islaamka ku xadgubay.

Debad baxayaasha ayaa dowladda ku qasbay inay weyso wasiirkeeda, sidoo kalana waxaa dowladda lagu amray inay sii deyso dhammaan dadkii la xiray intii uu socday banaanbaxa.

Arrinta lagu heysto Wasiirka is casilay ayaa ah sharci cusub oo ah kan dhaarinta mas’uuliyiinta uu ka reebay magaca Nebi Maxamed NNKH taasoo keentay inay jidadka waaweyn isugu soo baxaan kooxo diimeed arrintaas ka xanaaqay kuna tilmaamay inay xad gudub weyn ku tahay Rasuulka iyo Diinta Islaamka.

Wasiir Mr. Hamid ayaa istiqaaladiisa u gudbiyey Ra’isulwasaaraha dalkaas Shahid Khaqan Abbasi wuxuuna ku sheegay sababta uu isku casilay inuu dalka ka bixiyo xaaladda uu hadda ku jiro sida uu faafiyey Raadiyaha Pakistan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com