Meyd laga helay xeebta magaalada Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay meydka Wiil Dhalinyaro oo laga helay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan, kaasi oo ay Baddu soo tuftay.

Meydkan wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdirisaaq Maxamuud oo in muddo ah la weysanaa ayaa la sheegay inay Baddu qaaday maalintii Talaadadii xili uu dabaal ku tegay xeebta Liido.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka wiilkan saaka un lagu arkay xeebta, halkaasi oo ay gaareen ciidamada iyo ehelladiisa oo ayagu la wareegay meydka si ay u aastaan.

Wiilka Dhalinyarada ayaa waxaa si weyn u baadigoobayay qoyskiisa, ayaga oo ugu dambeyntii maanta meydkiisa laga helay xeebta.