Baarlamanka oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2022

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dood adag ka yeesheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maalmihii lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wada-jir ah oo labada aqal ee baarlamaanka oo ay su’aalo ku weydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022 ayaa gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.