Meydka gabar 11 sano jir ahayd oo la gowracay oo laga helay gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimad Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in gabar yar oo la-la’aa muddo 15 cisho, iyada oo meyd ah laga helay deegaanka Ceyn oo hootaga magaalada Godinlabe ee gobolkaasi.

Gabadhaan yar oo da’deeda lagu sheegay 11 sano jir ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la gowracay, kadibna iyada oo gacmaha iyo lugaha ka xiran geed lagu dhex riday.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caa’isho Maxamed Shanley, waxaana ay la nooleyd Ayeeyadeed oo degan duleedka Godinlabe.

“Gacmaha iyo lugaha ayaa laga xiray, waana la bireeyay, rag dhagax qodanayay ayey wax u soo ureen markii ay u tageenna waxay arkeen maydka oo geed lagu dhex riday.” ayey tiri mid ka mid ah qoyska Caa’isha.

Sidoo kale waxaa goobta laga helay meydka tegay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowlad goboleedkada Galmudug, kuwaas oo sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Lama oga illa aiyo adda sababta ka dambeysa dilkaasi arxan darrada ah ee loo geystay gabadhaasi yar.

Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacayey falal isugu jira dil iyo kufsi lagula kaco gabdhaha yar-yar.