Israel oo weerar waxyeello gaystay ku qaaday warshad Nukliyeer oo ku taalla Iran

Tehran (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Kuwait oo lagu magacaabo Al-Jarida ayaa daabacay in Israa’iil ay weerar Internet-ka ah ku qaday warshad soo saarta Nuclear oo dowladda Iran ay ku leedahay magaaladda Natanz. Dowladda Iran ayaana dhacdadaas waxaba kasoo qaadin, balse qubaradu waxay sheegayaan in Bakhaar xasaasi ah oo qalab badan ku jiro ay waxyeelo soo gaartay.

Ilo-wareed ayaa Wargeyskan aan soo xiganeyno ee Al-Jaridda u sheegay in weerar Internet-ka ah warshaqadda lagu qaaday. Warkaan waxaa uu xiriir la leeyahay weerar hore oo lagu qaaday kaabeyaasha biyaha Isra’iil, kaasi oo lagu edeeyay in ay fulisay dowladda Iran.

Sida uu wargeysku ku waramay howlgalladaan waa kuwo cuuryaamin ah. Qaraxyo ka dhacay Natanz iyo Parchin waxaa lala begsaday Bakhaaro lagu keydinayay gaaska UF6 oo lagu bacriminayay Uranium-ka.

Bishii November sanadkii 2019-kii Iran ayaa shaaca ka qaaday soo saarista gaaska IR-6. Waxayna dowladda Iran soo saaristaas ku horumarisaa magaalada Natanz.

Cali Akbar Salixi oo ah afhayeenka ururka Quwadda Atomic-ga ee Iran ayaa ka hadlay gaaska iyo soo saaristiisa cusub. Wuxuuna sheegay in magaalada Nantz sanadkii 2019-kii ay aheyd meel ay ku yaalaan ku dhawaad 30 Bakhaar oo uu ku keydsanyahay gaaska loo yaqaano IR-6.

Wargeyska Iran ayaa ku dooday in dowladda Iran ay hadda weysay 80% gaaskeeda. “Kani waxaa uu u egyahay weerar Electronic ah oo lagu qaaday isku xirka Internet-ka, kaasi oo ilaaliya haamaha Keydka. Iran waxay u baahantahay laba bilood si ay khasaarahaas uga soo kabsato” ayuu wargeysku qoray.