Sidee ayey rabshahada u hakiyeen wada-hadallada muranka biyo xireenka Nile?

Adis Ababa (Caasimada Online) – Kadib rabshadahii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya waxey keentay inuu dib u dhaco wadahadallada saddex dhinaclaha ah ee u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan kaas oo ujeedkiisa ahaa in lagu xaliyo muranka biyo xireenka ay xukuumadda Adis Ababa dhiseyso.

Saleshi Bekele oo ah Wasiirka Biyaha dowladda Itoobiya ayaa ka dhawaajiyay inuu hakad ku yimid wadahadallo la filayay iney toddobaadkii hore saddexdaas dhinac u bilowdaan, saameyntuna ay tahay dibad baxyada ka dhacay gudaha Itoobiya.

Saddexdaan dowladood ayaa doonaya iney si xeel dheer uga wada hadlaan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Dhibaato kale oo hor leh ayuu sheegay Wasiirka maadaama dibad baxyada ay carqalad ku noqdeen hanaanka looga hortagayo fiditaanka xanuunka Coronavirus oo wali haraadi ku ah dunida.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay rabshado ka dhashay dil loo geystay fanaan caan ku ahaa guubaabiyo qowmiyadda oromada ee Hachalu Hunddessa.