25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Meydka Haweeney la dilay oo lagu arkay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waaberigii saaka ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa lagu arkay meydka qof Dumar aheyd oo wadada lasoo dhigay.

Meydka haweeneydaan oo u muuqatay mid la dilay waqti dambe xalay ayaa lagu arkay buundada labaad ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Dhacdadaan ayaa qalqal iyo cabsi horleh ku abuurtay shacabka ku nool degmada Waaberi, waxaana la ogeyn sababta iyo dadka ka dambeeyay dilka haweeneydaan.

Maamulka degmada Waaberi ayaa dafiray jirintaanka dilka haweeneydaan iyo in meydkeeda lasoo dhigay buundada labaad ee degmada Waaberi.

Laakiin dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay arintaan, waxaana loo malaynayaa maamulka inuu doonayo inaan dhacdadaan la buunbuuninin.

Labadii maalin ee ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhayay dilalka iyo qaraxyada Qorsheysan, waxaana dowladda Farmaajo horyaala waxka qabashada amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News