Meydka Turkish laga helay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta laga helay meydka muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaasoo la sheegay in uu ku dhacay badda.

Guddoomiyaha degmada Xamar-Jajab oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ninkan uu si ka dis ah ugu dhaca badda xilli uu ku sugnaa dhismo Isbitaal oo ay dowladda Turkiga ka dhiseeso agagaarka iskuul buliisiyo ee degmada Xamar-Jakab.

Nasiib darro isla markiiba waa loo gurman waayay muwaadinka Turkiga, maadama aaney meesha badda laga gali karin, balse goordambe ayaa meydkiisa oo ay badda soo ceyrisay laga xeebta Liido.

Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Turki ah oo ku dhinta xeebaha Soomaaliya, tan iyo markii Turkiga Muqdisho yimid sannadkii 2011-ka.

Dowladda Turkiga mashaariic aad u ballaaran ayey ka wadaa magaalada Muqdisho, waxaana ka jooga shaqaale aad u fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com