Sawirro: Ciidanka Kenya oo dabaq ka soo tuuray haweeney Soomaali ah

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya dhibaatada iyo tacadiyadda lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ee Nairobi.

Labo habeen ka hor waxaa xaafadda Islii, gaar ahaan dhismo ku yaalla section 3 Piafravka dhacday arrin aad murugu u leh, taasoo ah markii ciidamada ammaanka Kenya aydabaqa shannaad si xoog ah uga soo tuurayn haweeney Sooomaali ah.

Hooyo Farxiyo Axmed Yarow, oo dhashay shan carruur ah ayaa la sheegay in laga soo tuuray daba shannaad dhismo ay daganeed, xilli ciidamada ammaanka Kenya ay howgallo ka wadayn xaafadda Islii.

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

Dhaawac aad halis u ah ayaa soo gaaray haweeneyda dabaqa la soo tuuray, waxaana la dhigay Isbitaalka Al-Amin ee Eastleigh, halkaasoo hadda lagula tacaalayo dhaawaceeda.

Sidda ay sheegayn dhakhaatiirta la tacaaleysa dhaawaca soo gaaray haweeneydan, waxay ogaadeen in gacanteeda seddex meel ay ka jabtay, garabkana uu kala baxey, balse sideeda kale ee guud way wanaagsan tahay.

Si kastaba, waa dhacdadii seddaxaad oo nooceeda oo kale ay ka dhacdo Kenya tan iyo markii uu billowday raafka lagu hayo Soomaalida ku nool Naiorbi.

Labadii mar ee horre, labo habeen ah oo ay ku jirto mid xaamilo ah ayaa ka dhacay dabaqa sedddaxaad gurrigooda iyagoo markaas ka cararay booliska, balse hooyo Farxiyo si qasab ah ayaa looga soo riday.

Waxaa sheegis mduan ma jirto cid wax ka qabatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya.

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

 

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

Sawirradan waxaa nagu caawiyay Saciid Xasan Anteeno

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com