Muxuu ku saleesan yahay SOCDAALKA danjire Affeey uu ku tagay KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socda urur goboleedka IGAD.

Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, waxaa wafdiga hoggaaminaayey ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.

Wafdiga ayaa la sheegay markii ay tagayn magaalada in ay kulan la qaatayn  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa looga hadlay qoddobo ay ka mid yihiin  dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubb iyo dhameystirka barnaamijkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hdlay, madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wuxuuna sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen siddii IGAD ay maamulka  gacan uga siin lahey dhismaha ciidammada, nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo xafiis IGAD ay ka furato Kismaayo.

Fartaag ayaa intaas ku daray in la isku afgartay waxyaahihii ay ka wada hadleen, wixii hadda ka dambeeyana ay ka dhur-sugayaa in laga hirgeliyo qodobada laga xaajooday.

Danjire  Maxamed Cabdi Afeey ayaa isna sheegay  in urur-goboleedka IGAD uu dardargelinayo wada-shaqaynta kala dhexeysa maamulka Jubba, si kor loogu qaado nabadda iyo horumarka.

Wafdiga tagay Kismaayo waxaa ka mid ahaa danjiraha dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka socda xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com