MUUNGAAB oo farrin adag maanta u diray xildhibaanada ku kacsan Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka ee madaxweynaha u soo jeediyay in uu is casilo in ay ka laabtaan go’aankaas oo ay dalka badbaadiyaan.

Muungaab oo la hadlaayay boqolaal qof oo isugu soo baxay gegida cayaaraha ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo dalka.

“Dowladda waa lala xisaabtami karaa,madaxweynaha waa la eedeen karaa xildhibaannada dhaliil waa ay soo gudbin karaan, laakin xilligan in wax la dumiyo kuma talineyno, teeda kale baaqa madaxweyne ha dhaco laga soo saaro hotel Saxafi, waxa ay rajo beel ku rideysaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho, waxaana aydhaawaceysa dhinac amni iyo dhinac dhaqaale” ayuu yiri Muungaab.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay xildhibaannada in ay maslaxadda dalka ay fiiriyaan oo ay ka laabtaan baaqa ah in uu madxweynaha is casilo.

Muungaab wuxuu tilmamaay in loo baahan yahay isbadal balse xildhibaannadu arrintooda aaaney noqon wax in la dumiyo uun.

Hadalka Muungaaab ayaa daba socda markii maanta dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir ay qaybgalayn dibad bax ballaaran oo ka dhacay garoonka cayaaraha ee Banaadir ee degmada Cabdi Casiis, waxaana dalkaas ay taageersanaayeen madaxweynaha iyagoona ka soo horjeeday xildhibaannada ku baaqay in uu madaxweynaha is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com