XOG: XASAN oo looga yeeray Kampala

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta u amabaxay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in loo yeeray oo uu halkaas kulmi doono madaxweynaha Uganda iyo qaar ka mid ah wakiiladda caalamiga.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa Caasimada Online u shegeay in madaxweynaha uu la kulmi doono madaxda dalkaas.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ku deeqay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Bixitaanka madaxweynaha ee dalka Uganda ayaa ku soo beegmay iyadoo uu jirro khilaaf cusun oo soo kala dhex galay xubno ka tirsan baarlamanka iyo madaxweynaaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com